Ku soodhowow Tillväxtanalys

– hay’adda qaabbilsan baaritaanka iyo qiimeynta siyaasadda kobcinta waxsoosaarka

Tillväxtanalys waa hay’ad dowladeed oo hoos tagta Näringsdepartementet (wasaarad qaabbilsan sancada, siyaasadda gaadiidka iyo dhismaha dalka, horumarinta ganacsiga, dhaqaale-kobcinta gobollada iyo dalxiiska) oo dowladdu u xilsaartay in ay baarto oo qiimeyso siyadda kobcinta waxsoosaarka. Ujeeddada guud waxay tahay in la xoojiyo awoodda tartanka iswiidhishka iyo sidii loo heli lahaa shuruudo looga shaqooyin shirkadaha badan oo ka asaasmaya dhammaan dalka qaybihiisa.

Waxaan si ballaaran uga shaqaynnaa qiimeynta, baaritaanka iyo tirakoobka aragtiyaha aayaha iswiidhishka iyo caalamka. Waxay shaqadayadu ku tiirsan cilmi-baaris iyo waaya-aragnimo la soo tijaabiyey. Natiijada ururinta aqoontayadu waxay asaas u tahay go’aamada siyaasadeed ee dowladda iyo baarlamaanka. Shaqaalahayadu waxay aqoon u leeyihiin siyaasadda kobcinta waxsoosaarka ee qaybo kala duwan. Waxaa intaas noo dheer in aan wadashaqayn la leenahay hay’ado kale iyo in aan adeegsanno khubaro madaxbannaan si loo gaaro natiijada ugu wanaagsan. Waxay shaqadu naga dalbaysaa in aan wadashaqayn aad u dhow la yeelanno xafiiska xoghaynta dowladda.

Hawsha aan qabanno

ujeeddada Tillväxtanalys waxa weeye in la soo diyaariyo asaas-aqooneed oo loogu talagalay siyaasad waxsoosaar guul leh iyo in la xoojiyo xiriirka caalamiga ah. Tillväxtanalys waxa weeye hay’ad dowladda hoos timaadda oo u qaabbilsan qiimeynta, baaritaanka, la socodka waxsoosaarka dunida iyo in la horumariyo qaybaha siyaasadda kobcinta waxsoosaarka. Waxaa hawlaha hay’adda loo qaybin karaa qaybaha soo socda oo mudnaan gaar ah leh:

  1. Hawlaha adeehyada, hawlaha wax-hindisidda iyo hab wax-hindisid wax-ku-ool ah.
  2. Xafiisyo dalka dibeddiisa si looga faa’iideysto furasadaha igu soo dhowaanshaha caalamka.
  3. Hawlaha dhammaystirka ee maalgelinta iyo talasiinta.
  4. Baaxadda dhuleed waxay u waxtar u leedahay shuruudaha waxsoosaarka wanaagsan ee Sverige gebi ahaan.
  5. Tirakoobka iyo macluumaadka khuseeya muqaalka guud iyo hawlgalnimada
  6. Siyaasadda kobcinta waxsoosaarka oo lagu gaarayo horumar wax-ku-ool ah.

Saddexda qaybood oo kala ah; Curinta fekred cusub iyo goobaha isla kulanka caalamka, Qandaraasyada iyo ganacsiga, iyo  Gaaritaanka iyo kobcinta waxsoosarka gobollada, waxay u xilsaaran yihiin qaybaha kala duwan ee hawlaha loo ergeeyey, iyo in ay wadashaqeeyaan si loo gaaro natiijada ugu wanaagsan.

Tillväxtanalys waxa weeye hay’ad caalami ah oo ay ka shaqeeyaan 40 qof. Xafiiska weyn wuxuu yaal Östersund, waxaana hawlo ka wadnaa Stockholm. Agaasimaha guud waxaa lagu magacaabaa Sonja Daltung.